Home Warar Shabaab iyo Dowladda Turky-ga oo Ka Hadlay Qaraxii Degmadda Afgooye

Shabaab iyo Dowladda Turky-ga oo Ka Hadlay Qaraxii Degmadda Afgooye

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in qaraxa lala eegtay Kolonyo Turki ah oo maraysay baar Ismaaciil Degmadda Afgooye,islamarkaana khasaare uu jiro.

Al-Shabaab waxa ay shegeeen in qaraxa lagu dilay 6-askari oo turki ahaa,islamarkaana sidoo kale khasaare la gaarsiiyay gaadiidkii ay la socdeen.

Dhanka kale Wasaaradaha gaashaandhigga iyo caafimaadka dowladda Turkiga ayaa war ay soo saareen ku xaqiijiyay in muwaadiniin Turki ah ay waxyeello daran kasoo gaartay qaraxii lagula beegsaday duleedka degmada Afgooye.

Al Shabaab ayaa horay u sheegtay in ay beegsanayso saraakiisha Turkiga ee Soomaaliya ku sugan kuwaas oo qeyb ka ah shisheeyaha dalka kusoo duulay.