Home Warar Senator Iftin Baasto:-“Farmaajo ayaa Isbaaro Dhigtay Golaha Aqalka Sare”,!

Senator Iftin Baasto:-“Farmaajo ayaa Isbaaro Dhigtay Golaha Aqalka Sare”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qaar kamid ah Xildhibaanadda aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa eedeen u jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Maanta oo sabti ah waxaa baaqday kulan ay Xildhibaanadda Golaha aqalka Sare ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya ay yeelan lahaayeen,kadib markii kooramka uu buuxsami waayay.

Senatarada fadhiga ka maqnaa ee Kulanka soo xaadiri waayay, ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa taageersan Madaxweynaha Somaliya Farmaajo, islamarkaana ka soo horjeeda Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa wuxuu ahaa ansixinta xubin cusub oo ka mid noqonaya guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, xubintaasi oo horay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Somaliya.

Senator Iftin Baasto iyo Senatoro kale oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Sare ayaa sheegay in saaka uu Golaha lahaa kulanka ansixinta xubin ka mid ah Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, balse kooramka oo wax yar ka maqnaa uu kulanka u furmi waayay.

Waxa uu sheegay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay isbaaro dhigatay Xarunta Aqalka Sare,islamarkaana waxa ka socda aqalka Sare maalmahan ay tahay arrin siyaasadeed laga soo abaabulay xafiiska  Farmaajo oo lagu duminayo Aqalka Sare, si la mid ah sidii la yeellay Golaha Shacabka.

“Aqalka Sare waxaa isbaaro cad u dhigtay Madaxyooyada Villa Somalia, Senataradii ku sugnaa magaalada in aysan imaanin kulanka maanta ayay xalay oo dhan ka shaqeynayeen,  Aqalka wuxuu yeeshay gafuurkii Madaxtooyada”ayuu yiri.