Home Warar Sarkaal u Dhashay Dalka Ugandha oo Meydkiisa Laga Helay Muqdisho

Sarkaal u Dhashay Dalka Ugandha oo Meydkiisa Laga Helay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sarkaal u dhashay dalka Ugandha ayaa laga helay Meydkiisa gudaha Xerada Xalane ee Magaaladda Muqdisho.

Sarkaalka wali aan la aqoonsan cida dishay ayaa ahaa kaaliyayaasha Taliyaha Booliska AMISOM ee Soomaaliya,waxaana meydkiisa laga helay hoygii uu ka degganaa Xeradda.

Mid kamid ah Saraakiisha Booliska Amisom ee Soomaaliya ayaa Sheegay inuu Socdo baaritaano la xiriira cida ka dambeysay dilkiisa, maadaama marar badan Xeradaasi ay ka dhaceen Toogashooyin ay isku geysteen Saraakiil iyo Ciidamo Ajaanib ahaa.

Ilaa hada ma jirto cid Xaqiijisay Sababta ka dambeysay Geerida Sarkaalkaasi oo katirsanaa Ciidamada Booliska Amisom qeybta ka howlgasha Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.