Home Warar Jeneraal Ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Lagu Qarxiyay Muqdisho

Jeneraal Ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Lagu Qarxiyay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu dhajiyay oo goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Xabsiga Dhexe kaasi uu ku dhow Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaraxa waxaa gaarigiisa loogu xiray Genaral lagu magacaabo Mohamed Cabdulle Dhoore oo booliska u qaabilsanaa Arrimaha Dibadda.

Sarkaalka ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray,waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaacmay mid kamid ah ilaaladiisa oo xiligaas gaariga la saarnaa.

Xiliga uu qaraxa dhacayay sarkaalka ayaa ku sugnaa Kaalin shidaal oo ku taala isla Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa booliiska DowladdaSoomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga xiro ayaa inta badan dhimasho ama dhaawac culus waxa ay kasoo gaaraan dadka wada gaadiidka lagu xiro qaraxyadaasi oo mudooyinkii dambe kusoo badanayay Muqdisho.