Home Warar Saraakiishii u Saraysay Daraawiishta Maamulka Puntland oo Iscasilay

Saraakiishii u Saraysay Daraawiishta Maamulka Puntland oo Iscasilay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliyaha Ciidanka daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo abbaan-duulaha Daraawiishta Gen Siciid Maxamed Salaad (Goraya-cawl), ayaa shaaciyay in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Puntland.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay In  Labadda Generaal ay isku casileen isfaham la’aan iyo khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo Madaxweynaha Puntland oo ku aaddan jawaabta Puntland ka bixinayso dullaanka Somaliland ku soo qaadday deegaanno kamid ah koonfurta bari ee gobolka Sanaag.

Ilaa haatan lama oga  in uu aqbalay Madaxweynaha Puntland Dani iscasiladda saraakiisha Puntland.