Home Warar Salaad Sheekh Cabdulle:-“$3,600 ayaa Layga Qaaday Mana Xajinin”,!!

Salaad Sheekh Cabdulle:-“$3,600 ayaa Layga Qaaday Mana Xajinin”,!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Soomaali badan ayaa seegtay sanadkaan Gudahasha Acmaasha Xajka oo ku sugnaa gudaha dalka Sacuudiga.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah Soomaalida aan gudanin acmaasha xajka, waxa ay garan waayeen habka loo guto acmaasha Xajka iyo sharikadihii oo balamaha ugu baxay.

Salaad Sheekh Cabdulle iyo Xasan Maxamed Faarax, waxa ay kamid ahaayeen dadkii dalka sacuudiga tagay balse aan xajinin.

Waxaa ay sheegeen in aysan garaneyn sida loo guto acmaasha Xajka, shirkadihii qaaday ee u ballanqaaday in  culimo barta gudasha acmaasha Xajkana ay uga baxeen islamarkaana heysan hooy iyo nolol.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in laga qaaday $3600 oo dollar islamarkaana ay ka xun yihiin in Xajkii dhamaado iyagoo aan waajibaadkooda gudanin.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa dhawaan sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan sharikadaha diyaaradaha qaarkood oo dayacay Xujeyda markii ay uga baxeen basaskii geyn lahaa Magaalooyinka Maka iyo Madiina.