Home Warar Sacuudiga oo Ka Hadlay Sababta uu U Soo Celiyay Xoolaha Soomaalida

Sacuudiga oo Ka Hadlay Sababta uu U Soo Celiyay Xoolaha Soomaalida

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in dib loosoo celiyo 27,000 Neef oo ari ah oo dhawaan Markab uu ka qaaday Dekadda Magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari.

Qoraal kasoo baxay Sacuudiga ayaa lagu sheegay in xoolahaas loogu shakiyay Cudurka “Rift Valley fever”.

Markab siday ilaa iyo ku dhawaad 30 kun oo neef oo xoolaha Soomaalida ah ayaa la shaaciyay todobaadkaan in laga soo celiyay dalka Sacuudiga.

Markabkan ayaa lasheegay in uu ku soo wajahanyahay Dekedda magaalada Boosaaso.

Arintaan ayaa kusoo aaday xili Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero u muujisay Sacuudiga oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Canadda.