Home Warar Saciid Deni:-“Dadka Jooga Muqdisho ayaa Qalqagalinaya Amniga Puntland”,

Saciid Deni:-“Dadka Jooga Muqdisho ayaa Qalqagalinaya Amniga Puntland”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sheegay In shaqsiyaad ka tirsan Dowladda oo Magaaladda muqdisho jooga ay dadka ku sugan Magaaladda Boosaaso u soo diraan farriimo,si loo khalkhal galiyo amniga Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Saciid Dani in shaqsiyaadkaas lala socda waxa ay yihiin,balse loo baahan yahay dadka fariimahaas loosoo dirayo in aysan aqbalin.

Deni ayaa dhanka kale sheegay inay cafis u fidiyeen oo xabsiga laga sii daayay Odayaal iyo siyaasiyiin xirnaa, waxaana uu ugu baaqay odayaasha inay meel iska dhigaan waxa aan dantooda aheyn oo ay kala shaqeeyaan Amniga iyo xasilloonida.