Home Warar Sababaha Keenay in uu Baaqdo Kulankii Farmaajo,Madoobe iyo Deni

Sababaha Keenay in uu Baaqdo Kulankii Farmaajo,Madoobe iyo Deni

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Waxaa xalay baaqday kulan dhexmari lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo), iyo Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland iyo Jubbaland.

Kulankaan ayaa ka dhici lahaa Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee Magaaladda muqdisho,waxaana looga hadli lahaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan doorashadda oo la isku fahmi waayay.

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya kulanka inuu baaqdo ayaa waxaa ka dambeeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa oo dalbadeen Ajandaha Shirka ay la qaadanayaan Madaxweynaha Somaliya in lagu soo daro arrinta Gobolka Gedo.

Dhanka kale waxaa socda dadaalo ku aadan sii uu u dhici lahaa Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmajo), iyo Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland iyo Jubbaland.