Home Warar Saadaq Joon:-Waan Joojinay Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Saadaq Joon:-Waan Joojinay Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John ayaa sheegay inay joojiyeen kulankii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shir jaraadid warbaahinta u qabtay ayuu ku sheegay in xaaladdajirta markii ay fiiriyeen in ay baajiyeen kulankii Baarlamanka Soomaaliya.

Waxa uu  sheegay in aanay dooneyn inuu qalalaase ka dhaco Gobolka Banaadir, isla markaana aanay dooneyn dagaal iyo kala aragti duwanaan xabad wadata.

“Ma dhici karto in baarlamaanka Soomaaliya inaan soo xiro inaan soo dilo, Baarlamaanka maanta waxaa hakinay kulankii ay lahaayeen waxaa loo baahan yahay wax boob ah in aysan dhicin is faham siyaaadeed in la gaaro ayaa loo baahan yahay, afar sano ayaa joogteen, doorsho dib ugu laabta, deegaanadiina dib kalsooni ugu laabta”ayuu yiri Taliye Saadaq John.

Dhanka kale Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John ayaa ugu baaqay raisulwasaaraha XukuumaddaSoomaaliya in uu kaalintiisa qaato,islamarkaana uusan noqonin mid wax loo yeeriyo.