Home Warar Saabir:-“Wasiir Ducaaloow Ciyaal Xamaraa Tahaye Xilka Iska Casil”,!

Saabir:-“Wasiir Ducaaloow Ciyaal Xamaraa Tahaye Xilka Iska Casil”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa ugu baaqay wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow in uu iska casilo xilka.

Xidhibaanka oo ka hadlayay kulankii amniga ee shalay ayaa sheegay in wasiir islow uu yahay magaca u yaal,islamarkaana uusan u madax banaaneen shaqadiisa.

Waxa  uu sheegay in taliyayaasha Ciidamadda Soomaaliya aysan ka amar qaadanin wasiirka Amniga Soomaaliya taasina ay tahay sumcad daro.

Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaan Saabir in labadii sano aynu soo dhaafnay shabaab ay dileen dad ku dhow 3-malyan oo shacab ahaa ,islamarkaana uu intaas xilka hayay Wasiir Islow.

“Wasiirka waxaan leenahay, hadaadan shaqadadaa u madax banaaneyn wasiir Ducaaloow waxaad uga baahan tahay Wasiir Amni lama arkee masiibadaan kugu soocto yeysan magacaada dhaamin, Imaamkeeniyaa tahaye, ciyaal xamaraa tahaye, meeshaan si tartiib ah isaga tagoo oo iska casil calaal caleyk dheh,waxaan u baahannahay wasiir shaqadiisa u madax banaan, wasiir amni ee wasiir amni iska ah ee waxuu xukumo aan la arag ee taliye ka amar qaataa uusan jirin aadaa uga xumahay mas’uuliyada uu haayo waan la wada soconaa, hal Taliye oo Ducaale ka amar qaataa ma jiro” ayuu yiri Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.