Home Warar Saabir:-“Kama Hari Doono Axmed Cali Daahir, Maxkamadd ayaa La Tiigsan Doonaa”,!

Saabir:-“Kama Hari Doono Axmed Cali Daahir, Maxkamadd ayaa La Tiigsan Doonaa”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan Saabir Shuuriye oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii maanta kasoo baxay Guddoonka Golaha shacabka ee ku aadan in la laalay codsigii Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir ee xasaanadd ka qaadista labo xildhibaan uu isaga kamid yahay.

Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir ayaa dhawaan ku eedeeyay Xildhibaan Saabir in uu yahay qaran dumis islamarkaana uu u shaqeeyo dowladdo Shisheeye.

Halkaan hoose ka akhriso

Waxaan guddoonka Goloha shacabka iyo guddiga joogtada uga mahadcelinayaa go’aankii ay maantay ka soo saareen eedeyntii iyo sharaf dhicii uu noo geystay Xeer Ilaaliyaha Axmed Cali Dahir taas oo uu horkeeni waayay guddiga joogtada caddayn eedeyntiisana ka dhigtay waxaan raad lahayn ujeedkeeduna markii horeba ahaa sidii sharafkeena, sumcaddeena iyo shaqsiyaddeena loogu dhaawici lahaa.

Laakin aniga ayaan ka hari doonin, kana furan doona Gal Dacwadeed maxkamadda si sharciga aan ugu kala baxno, kamana hari doono aflagaadadii la ii geystana Insha Allah.

Beeni raad ma leh!

Hon Sabir Shurie