Home Warar RW Rooble oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Cawad,Magacaabayna Wasiir Cusub

RW Rooble oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Cawad,Magacaabayna Wasiir Cusub

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasi oo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka mudane Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada ka akhriyay Telefishinka Qaranka, waxaana uu sheegay in wareegtadan ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ka soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha November ee sanadka 2020.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir mudane Axmed Ciise Cawad.

Xil ka qaadista Axmed Ciise Cawad ayaa la ogeyn inay ku timid cadaadis ka yimid dowladdq Itoobiya iyo in kale, iyadoo xalay barta Twitter-ka ee Wasaaradda la soo dhigay qoraal looga hadlayay xaalada dalka Itoobiya iyo walaaca dowladda Soomaaliya ka qabto, isla markaana lagu baaqay in la xaliyo dagaalka gudaha ee Itoobiya, hase ahaatee markii dambe laga saaray, isla markaana uu Cawad beeniyay inay jirto warqadaas.