Home Warar RW Kheyre oo Safarkii Beledweyne u Baajiyay Mucaaradka Dowladda

RW Kheyre oo Safarkii Beledweyne u Baajiyay Mucaaradka Dowladda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar uu maanta ku tagi lahaa Magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya, baaqashadda Safarka Kheyre ee Beledweyne ayaa lagu sheegay Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo dhankooda ku wajahan Magaaladda Beledweyne.

LaTaliyayaasha Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo jeediyay in uu ka baaqdo safarkiisa Beledweyne,madaama magaaladda tagayaan Mucaaradka Dowladda.