Home Warar RW Kheyre oo Laga Dalbaday inuu Hor-yimaado Baarlamaanka!

RW Kheyre oo Laga Dalbaday inuu Hor-yimaado Baarlamaanka!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre inuu hor-yimaado Baarlamaanka si su’aalo loo weydiiyo.

Xildhibaanka oo maanta ka hadlayay kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay In raisulwasaaraha ay ka doodanayaa in Baarlmaanka uu la socodsiiyo arrimaha muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

“Waxaan codsanayaa in uu Baarlamaanka horyimaado Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre” ayuu yiri Xildhibaan Ciyaar Jecel.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhowr jeer ka caga jiiday in uu hortago Xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo loo weydiiyo.

Labo sano ka hor Raisulwasaare Kheyre ayaa baarlamaanka ka hor sheegay xili la ansixinayay xukuumadiisa in uu la shaqeyn doono, mar walba oo ay timaado la xisaabtanka Xukuumadda.