Muqdisho(Gundhig)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.
Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia
Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.
Safar laba maalin ah ayuu ku joogi doono Ra’iisal Wasaaraha Somaliya dalka Sacuudiga halkaasi oo madaxda dalkaasi uu kula soo kulmi doono.