Home English News Somali News RW Khaire Haddii Uu U Tanaasulo Dib U Doorashada MD Farmaajo Ma...

RW Khaire Haddii Uu U Tanaasulo Dib U Doorashada MD Farmaajo Ma Hankiisa Iyo Kan Beeshiisa Ayuu Meel Uga Dhacay?

SHARE

Toddobaad kahor dalka waxa uu u dabaal dagay maalmihii xorriyadda taas oo ka duwanayd kuwii hore, lixdan sano ayaa u buuxsan tahay 26-kii Juunyo iyo 1-dii Luulyo kaddib markii ay labadii Gobol ee ku midoowbay Jamhuuriyadda Soomaaliya Xorriyadda ka kala qaateen Boqortooyadii Ingiriiska iyo Talyaaniga.

21 sano oo xukun ciidan ahaa iyo 10 sano oo ay dowlad la’aan jirtay, Soomaaliya waxaa caado ka ahayd in doorasho dhacdo oo awoodda si nabad ah la’isugu wareejiyo.

Madaxweynihii Kowaad ee Soomaaliya AUN Aadan Cabdulle Cismaan ayaa doorasho dimuqraaddi ah looga adkaaday 1967, waxa uu xukunkii ku wareejiyey si nabad ah taas oo dhaxalsiisay in uu noqdo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee waqtigaas Qaaradda Madow si dimuqraaddi ah xafiis uga taga.

Sidaas oo kale 2004, 2012 iyo 2017 ayey dhacday oo waxaa xukun si dimuqraaddi ah ku wareejiyey Madaxweyneyaal waqtigu ka dhammaaday, tartamay kaddibna laga adkaaday.

Waxaa hadda gebo gebo ku dhaw muddo xilleedka Madaxweynaha Jamhuuridda Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa lagu jiraa waqti kala guur, dowladda waxa ay marar badan ku cel celisay in doorasho dastuurka waafaqsan xilligeeda ku dhici doonto halka magaalada Dhuusamareeb shir uga socdo mas’uuliyiinta Maamullada oo waxyaabaha ay ka doodayaan ay doorashadu qeyb ka tahay.

Xilli Doorashadan isha lagu wada hayo ay xiiso kuwii hore ka duwan leedahay, hadana waxaa aad la’isu weydiiyaa su’aalo ay ka mid yihiin qaabka maamulka hadda talada hayya ay doorashada ku gali doonaan, in ay u mideysan yihiin iyo in kale.

Waxaa lagu sababeeyaa in waqtigan xasaasiga ah la’is weydiiyo su’aalahaas ay tahay xiriirka quruxda badan ee ka dhexeeya ilaa iyo hadda Madaxweynaha iyo Ra’isuul Wasaaraha Xukuumadda taas oo sanadihii dambe aan loo baran.

Maqaalkeyga waxaan ku sharrixi doonaa waxa hadal haynta ugu badan ka dhigay mustaqbalka siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khaire, ujeedka qaar ka mid ah bulshada ay HAN YARI ugu arkaan haddii uu Khaire ka mid noqdo ol’olaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxa ay taariikhda Siyaasadeed ee Soomaaliya ka qabto arrinmahaas iyo waxa la fili karo haddii ay Nabad iyo Nolol tartan isaga horyimaadaan.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in uu musharax xilka Madaxweyne yahay 7-dii bishii Agoosto 2012 isaga oo kula loolamay xilkaas Madaxweynihiisii waqtigaas Shikeh Shariif Shiekh Axmed, isla sidaas oo kale 5-dii bishii Sebteembar 2016 waxaa isla Muqdiso uga dhawaaqay musharnimadiisa xilka Madaxweynenimo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo isna kula loolamay jagadaas Xassan Shikeh Maxamuud oo uu Wasiir Kowaad u ahaa.

Dhacdooyinkaasi waxa ay ka jawaabanayaan su’aasha ku geedaaman mustaqbalka siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare Khaire iyo hab fikirka kuwa u arka HAN YARI  shaqsi haddii uu taageero ol’olaha dib u doorasho ee Mdaxweynihiisa.

Hase yeeshee, waxaa jirta taariikh taas cagsi ku ah oo aysan xigan kuwa ku dooda in ay HAN YARI siyaasadeed tahay haddii uu Ra’iisul Wasaare u tanaasulo Madaxweyne markaas xil haya. 1967, Soomaaliya waxa ay u dareertay doorasho Madaxweyinimo kaddib markii uu dhammaaday muddo xilleedkii 7-da sano ahaa ee Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan UHN.

Xilligaas waxaa Ra’iisul Wasaare u ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen AUN. Labadooda waxaa ay ahaayeen hoggaamiyeyaashii ugu wanaagsanaa ee ay Soomaaliya yeelato sida uu Buuggiisa (African First Democrats) ku qoray Professor Cabdi Ismaaciil.

“Markii hore Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ma rabin in tartan dib loogu dooranayo galo. Waxaan xusuustaa maalin aan isla gorfeyneynay siyaasadda gudaha, dhaqamada xilkasnimo xumo ee qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda iyo barnaamijyada sida xun loo maareenayey ayuu yiri. ‘Waxa noo wanaasgan mustaqbalka waa in aynu daaqadda ka daawanno oo aynaan hawsha wadin,” waxaa sidaas booggiisa (My Role in the Formation of Somali Nation-State, A Political Memoir) ku qoray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuuseen.

Cabdirisaaq oo sharraxaya sida markii dambe uu ku aqbalay Aadan Cadde in uu doorashada galo ayaa qoray: “Balse qaar ka mid ahaa golihii shacabka iyo in badan oo saaxiibadiisii hore ahaa, gaar ahaan Ibraahin Cismaan ‘UUnlaaye’ iyo Maxamuud Cabdinuur ‘Juuje’ ayaa ku qasbay in uu aqbalo in uu musharax noqdo.”

Markii uu Aadan Cabdulle Cismaan aqbalay in uu doorashada galo, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu hormuud u noqday ol’olihii dib loogu dooran lahaa Madaxweynaha sida uu qoray waxa ay dhawr jeer isu gacan qaadi kaareen Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ahaa musharaxa mucaaradka: ““Waxaan soo dhex istaagay marxalad ah in aan noqday hoggaamiyaha ol’olihii dib u doorashadiisa. Waxaan xasuustaa mudadaas in aan ugu yaraan laba jeer foodda is darnay oo aan is maan dhaafnay Cabdirashiid.”

Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ugu dambeyn ay guusha raaci doonto iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa ay ka soo wada jeedeen hal deegaan, taas waxa ay keentay sida uu sheegay Cabdirisaaq in la’isku dayey in qaab qabiil looga soo saaro ol’olihii uu ugu jiray Aadan Cadde waxa uu qoray: “Qaar ka mid ah saaxiibadiis waxa ay isku dayeen in ay adeegsadaan aragtiyo qabiil iyaga oo ii soo jeedinayey in aan ku taageero ol’olaha madaxweynenimo, taas oo aan gebi’ahaanba aan meesha ka saaray.”

Arrimahan waxa ay meesha ka saarayaan doodaha ah in ay HAN YARI tahay in Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khaire taageero ol’olaha Madaxweynihiisa iyo waliba qaar kale oo aaminsan in ay dhaawac ku tahay qabiilka uu ka soo jeedo Ra’iisul Wasaaraha maadama kuwii isaga ka horreeyey aysan u tanaasuli jirin Madaxweyneyaashii hore.

Soomaaliya wali ma dhicin in Madaxweyne dib loo doorto, Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirsaaq oo wadajira waa laga adkaaday, kuwii ka dambeeyey ee doorashada isaga horyimi afkaa ciidda loo wada daray, su’aasha ayaa ah, haddii Farmaajo iyo Khaire maraan dhabbihii Aadan iyo Cabdirisaaq ama hoggaamiyeyaashii ka dambeeyey, maadama natiijada isku mid tahay, mala filan karaa natiijo kuwaas ka duwan mise taariikhda ayaa dib isu qori doonta?

Gunaanad, Dowladdii Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo can ku ahayd hal ku dhiggii “Karti iyo Hufnaan” waxa ay ahayd xukuumaddii ugu musuq musaaqua yareed ee Soomaaliya soo marta waa isla sida uu Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ku qoray buugiisa (African First Democrtas), hadana Dowladda ay hadda hoggaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khaire waxa ay caan ku tahay hal ku dhigga “Nabad iyo Nolol” waxaa sidaas oo kale la’isla qirsan yahay in ay meelo badan oo dhinaca maamul wanaagga ah uga fiican tahay dowladihii ka horreeyey burburkii kaddib. Sidaas daraadeed, haddii uu midkood kan kale u tanaasulo, ma muujineyso HAN YARI siyaasadeed, ceebna kuma aha BEEL HEBEL!

 

W/Q: Mohamed Musa Aden

Email: Muhamedkaafi@gmail.com

FIIRO GAAR AH: Maqaalkan waa mid ku kooban aragtida qoraaga ku saxiixan kama turjumaya midda Gundhig.