Home Warar RW Abiy Axmed oo Lagu Eedeeyay Xasillooni Daradda ka jirta Soomaaliya

RW Abiy Axmed oo Lagu Eedeeyay Xasillooni Daradda ka jirta Soomaaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Raisulwasaaraha Dalka Ethopia Abiy Ahmed ayaa lagu eedeeyay in uu faragalin ku hayo arrimaha gudaha dalalka deriska la ah Itoobiya, sida Soomaaliya iyo Suudaanta koonfureed.

Wargeyska Dailaynation oo Kenya kasoo baxa ayaa qoray in Qaramadda midoobay ay ku eedeysay Abiy Axmed  intuu ahaa  Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD inuu ku guuldareystay in horumar laga sameeyo hannaanka nabadda ee Suudaanta Koofureed.

Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay in Raisulwasaare Abiy Axmed uu sii hurinayo xisiloodidarada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Arintaan ayaa imaanaysa xili ciidamo ka socda Dowladda Ethopia la geeyay Jimcihii magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda galmudug,waxaana arintaas cabasho ka muujiyay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.