Home Warar Roobow:-“Xasuuqii Baydhabo Waxaa Lagu Soo Beegay Xasuuqii October”,+Sawirro

Roobow:-“Xasuuqii Baydhabo Waxaa Lagu Soo Beegay Xasuuqii October”,+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa isbitaalka Magaaladda Baydhabo ku booqday dadkii ku dhawacmay Qaraxayadii shalay galab ka dhacay magaaladaas.

Muqtaar Roobow ayaa mid mid ula kulmay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadda ka dhacay Magaaladda Baydhabo,wuxuuna u rajeeyay  caafimaad deg deg.

Booqashadiisa kadib, Roobow ayaa sheegay in qaraxyadii Shalay ay muujinayaan sida Shabaab ay u doonayaan in ay u laayaan shacabka, islamarkaana qaraxyadda baydhabo ay kusoo beegeen maalin ka hor qaraxii Isgoyska Zoobe.

“Xasuuqaan magaalada Baydhabo waxaa lagu soo beegay xasuuqii hore ee October umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay u istaagaan Al-shabaab oo caadeysatey xasuuqa umadda, ma dhicdoonto hadynu gacanta is qabsano in sidan ay u xasuuqaan umada Insha’Allah waa la’iska dhicinayaa kooxdan caadeystay dhiiga umada”ayuu yiri Muqtaar Roobow.

Laba qarax ayaa shalay ka dhacay magaalada baydhabo,waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 10-ruux, halka dhaawacyadda ay marayaan 20-ruux.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyadda.