Home Warar Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo La Kulmay Hogaanka Ahlusuna

Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo La Kulmay Hogaanka Ahlusuna

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka deganyhay magaalada Dhuusa-mareeb ku qaabilay madaxda sare ee Ahlusuna.

Guddoomiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Madaxa fulinta Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa booqasho ugu tagay raiiusl wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre,iyagoo iska xog wareystay arrimo ku saabsan dadaalka wada jirka ah oo loogu jiro dib u heshiisiinta galmudug,taasi oo ujeedkeedi uu yahay in laga wada tashado sidii loo unki lahaa Galmudug loo dhanyahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lafilayaa in 4bishan oo beri ku beegan uu si rasmi ah u furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo ay ka qeybgalayaan ergooyin kala duwan oo matalaya bulshooyinka ay quseyso arrinta Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,inta ay socdaan howlaha dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamul cusub.