Home Warar Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo Ku Wajahan Kismaayo+Sawirro

Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo Ku Wajahan Kismaayo+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay ku wajahan magaaladdda kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka jubbaland.

Garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland,iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kaladuwna ee magaaladaasi,kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha Soomaaliya.

Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland, ayaa lagu dhejiyay qaybaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Maamulka Jubbland ayaa ka hadlay safarka Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ee Magaaladda kismaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Gooni ayaa sheegay in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Kismaayo uu yahay mid meesha ka saarayo khilaafkii iyo mad madowgii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.