Home Warar RW Xasan Cali Kheyre oo Lagu Soo Dhaweeyay Kismaayo+Sawirro

RW Xasan Cali Kheyre oo Lagu Soo Dhaweeyay Kismaayo+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wafdi uu hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhaweyd gaaray magaaladda kismaayo ee Gobolka jubadda Hoose.

Raisulwasaare Kheyre waxaa safarkiisa Magaaladda kismaayo ku wehlinaya xubno wasiiro iyo Xildhibaano oo kasoo jeeda Jubb-land.

Waxaa Garoonka diyaaradaha magaaladda kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka jubbland axmed maxamed islaam (Axmed madoobe).

Khayre ayaa kulamo la qaadan doona madaxda Jubbaland kuwaasoo diirada lagu saarayo sidii meesha looga saari lahaa mad-madowga mudooyinkan soo kala dhex galay labada dhinac, sida uu sheegay Maamulka.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo xoojiyey, waxaana la xiray jidadka magaalada,waxaana Magaladda maalmo ka hor la geeyay Ciidamadda ilaaladda madaxtooyadda.