Home Warar Raisulwasaare Hore Nuur Cadde oo Covid-19 U Geeriyooday

Raisulwasaare Hore Nuur Cadde oo Covid-19 U Geeriyooday

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Allaha u Naxariistee Raisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) oo dalka ingiriiska ku geeriyooday maanta oo arbaca ah.

Waxaa xaqiijiyay Geeridiisa Wiilkiisa Haji Mohamed Nuur Cadde,oo asna la sheegay Covid-19.

Nuur Cadde ayaa lagu aasi doonaa magaalada London, maadaama aanay suura gal aheyn in Soomaaliya loo soo qaado, si loogu aaso maadama ay xayiran yihiin isku socodka duulimaadyadda.

Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sanadihii 2007-2009, dowladdii Madaxweyne AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed.