Home Warar Raisulwasaare Hore Cali Khaliif Galayr oo Geeriyooday

Raisulwasaare Hore Cali Khaliif Galayr oo Geeriyooday

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Allaha u naxariistee Raiisulwasaarihii hore ee Somaliya, Prof Cali Khaliif Galayr oo maanta ku geeriyooday Magaaladda Jigjiga.

Qaar kamid ah Eheladiisa ayaa sheegay in xanuun kusoo booday uu u geeriyooday Cali Khaliif,xili uu ku sugnaa Magaaladda Jigjiga Dowladd Deegaanka.

Marxuumka waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Dalkan, isagoo mudooyinkii u dambeeyayna u ololaynayay Qadiyadda Deegaanadda uu ka soo jeedo.