Home Warar Raisulsaare Kheyre oo Kusii Jeeda Magaaladda Riyaad ee Sacuudi Arabia.

Raisulsaare Kheyre oo Kusii Jeeda Magaaladda Riyaad ee Sacuudi Arabia.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wafdi uu hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saakay kusii jeeda Magaaladda Riyaad ee dalka Sacuudi Arabia.

Raisulwasaare Kheyre ayaa casuumaad ka helay Dowladda Sacuudiga,waxaana diyaarad loosoo diray ay goordhaweyd soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Raisul Wasaaraha ayaa loo soo diray martiqaadka bishii hore ee Septemper, ka hor inta aysan Madaxda dalalka Geeska Afrika tagin magaalada Jeddah, balse arrimo farsamo xilligaas u baaqatay.

Lama oga qorshaha ay ka leedahay boqortooyada Sacuudiga Wafdiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, xili sacuudiga uu hakiyay taageeradii uu siin jiray Soomaaliya,kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Mowqif dhexdhaxaadnimo ay ka qaadatay Khilaafka Wadamada Khaliijka.

Dowladda Sacuudiga ayaa saameyn ku yeelatay mudooyinkii dambe siyaasadda geeska afrika,waxayna ku guuleysatay soo afjarida colaadaha u dhaxeeyay dalalka Gobolka sida Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti.