Home Warar Ra’iisul Wasaaraha Magacaaba oo Baaq u Diray Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaba oo Baaq u Diray Golaha Shacabka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ra’iisal Wasaaraha aan weli haysan codka kalsoonida ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu marka hore ku sheegay inuu aqbalay xilka uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim,Asalaamu Caleykum Wa raxmatullaahi wa barakaatu

Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.

DHAMMAAD