Home Warar Qoor-qoor:-“Waxaan Xalin Doonaa Khilaafka DFS iyo Madax Goboleedyadda”,!

Qoor-qoor:-“Waxaan Xalin Doonaa Khilaafka DFS iyo Madax Goboleedyadda”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-qoor), ayaa sheegay in mamulkiisa uu ka shaqeyn doono xalinta khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.

Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay Idaacada BBC, ayaa sheegay inuusan jirin Khilaaf sidaasi u wayn oo madaxda dowladda iyo Maamul Goboledyada ka dhaxeeya, maadaama shirkii ugu horeeyay shalay uu dhacay ayna jiri doonaan shirar kale.

“Wax wayn oo Khilaaf ah hadda ma jiro, shirkii ugu horeeyay shalay ayuu dhacay, waxaa jiri doona shirar kale oo waji ka waji la isugu imaanaayo, marka xilliga & meeshana waan soo sheegi, haa waan ka shaqeynayaa xalka arrintaasi.”Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-qoor), ayaa sheegay in uu doonayo maamulkiisa in Magaalada Dhusa-mareeb la isugu keeno Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda si loo xaliyo tabashooyinka jira.