Home Warar Qoor-qoor oo Wada Dhaq-dhaqaaq ku Aadan Xilka Raisulwasaaraha

Qoor-qoor oo Wada Dhaq-dhaqaaq ku Aadan Xilka Raisulwasaaraha

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo ku sugan Magaaladda Muqdisho ayaa wada dhaq-dhaqaaq ku aadan sidii shaqsi kasoo jeeda Galmudug loogu magacaabi lahaa Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qoor-qoor oo axadii Magaaladda Muqdisho soo gaaray maalin kadib xil ka qaadistii Raisulwasaarihii Hore Xasan Cali kheyre ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaaladda muqdisho waxa uu kula Kulmay Siyaasiyiin kasoo jeeda Deeganadda Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa habeen hore Madaxtooyadda Soomaaliya kula kulmay Madaxweyne Maxamed C/laahi (Farmaajo),waxayna kawada hadleen qorshaha Magacaabista Raisulwasaarah Cusub.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, oo dowladda saameyn ku leh ayaa xalay ku kulmay Xarunta Nabadsugida Qaranka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira xaalada siyaasadeed magacaabida Ra’iisul Wasaarihii badali lahaa Xasan Cali Kheyre.