Home Warar QM oo Sheegtay in Shabaab ay isticmaaalaan Hub Lagu Sameeyo Korea Woqooyi

QM oo Sheegtay in Shabaab ay isticmaaalaan Hub Lagu Sameeyo Korea Woqooyi

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay isticmaalaan hoobiyaayaal lagu sameeyay Kuuriyada Woqooyi,kadib weerarkii xarunta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya horaantii sanadkaan.

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya in Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay isticmaan hub lagu sameeyo Kuuriyada Woqooyi,  taasoo calaamad u ah heshiisyada hubka ee labada dhinac.

Al-shabaab ayaa  lix weerar oo hoobiyeyaal ah ku qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Soomaaliya, Magaaladda Muqdisho, intii u dhaxeysay Febraayo iyo May ee sanadkaan 2020-ka.

Mid ka mid ah weerarada ayaa lagu fuliyay 4-hoobiyaye  60-mm ah oo lagu tuuray jihada xarunta UN-ka ee gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde 17-kii Febraayo, sidaana waxaa ku sheegay warbixintii Qaramadda Midoobay.

“Laba xabo oo hoobiyeyaal 60-mm ah oo aan qarxin (ayaa) laga helay weerarkii ka dib 17-kii Febraayo 2020. Mid wuxuu leeyahay astaamo u dhigma nooca 60-mm HE nooca madaafiic ah ee 63, oo laga soo saaray Jamhuuriyadda  Dimuqraadiga ah ee Kuuriya woqooyi,” ayaa lagu yiri warbixintii ugu dambeysay ee lagu daabacay bogga UN-ka, iyadoo la adeegsanayo magaca rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in ay suurta gal ay tahay in uu jiro heshiiska dhanka Hubka ah oo u dhaxeeyo Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab iyo Dowladda Kuuriyada Woqooyi.

Warbixinta ayaa timid toddobaadyo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay soo cusbooneysiisay diidmadeeda argagixisada.

“Waa mowqifka joogtada ah ee dowladda DPRK inay ka hortagto argagaxisada noocyadeeda kala duwan iyo muujinta iyo wixii taageero ah ee la siiyo,” sidaas waxaa sheegay Diblumaasi u dhashay Kuuriyada Waqooyi.

Bishii Juun, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ku fashilantay inay wax ka qabato taageeradda ay haleen dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Mareykanka ayaa markii ugu horeysay u aqoonsaday Kuuriyada Woqooyi inay tahay dowlad taageerta argagaxisada sanadkii 1988 duqeyntii ay ka geysatay diyaaraddii Kuuriyada Koofureed oo ay ku dhinteen dhamaan 115 qof oo saarnaa.

Washington waxay liiska ka saartay Pyongyang sanadkii 2008 iyada oo lagu badalay horumarka laga gaadhay wadahadalada hubka nukliyeerka.

Sannadkii 2017, Mareykanku wuxuu Waqooyiga Kuuriya dib ugu qaabeeyey inay tahay dowlad maalgelisa argagixisada ka dib markii ay go’aansatay in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay “si isdaba joog ah” u siiso taageero ficillada argagixisada caalamiga ah.