Home Warar Qiimaha Xajka iyo Shirkadaha ka qeyb qaadanaya Sanadkaan oo la soo bandhigay

Qiimaha Xajka iyo Shirkadaha ka qeyb qaadanaya Sanadkaan oo la soo bandhigay

SHARE

Guddi ay dhawaan Magacowday Xukuumadda Soomaaliya si ay u jaan gooyaan shirkadaha u tartamaya Xujeyda Soomaalida ee Sanadkan iyo qiimaha Xajka ayaa  soo go’aanado soo saaray.

Suldaan C/qani Qorane oo afhayeenka guddiga loo xil saaray howshaan ayaa tilmaamay in qof kasta oo xajinayo laga qaadayo lacag dhan 3600 oo dollar iyo qeybta VIP-da oo laga qaadayo 5000 oo dollar.

Sida gudigu ay sheegeen 84 shirkadood ayaa u tartamay sanadkaan arrimaha Xajka waxaana ku soo baxag 54 Shirkad oo daabuli doona 15,000 oo xujey ah oo ka kala imaaneysa gobolada dalka Soomaaliya.