Home Warar Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho iyo Dagaal Socda

Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho iyo Dagaal Socda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qaraxyo xoogan ayaa Goordhaweyd Ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dhawaqa qaraxyadda ayaa si weyn loogu maqlay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxyadda ayaa ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda gaar ahaan, halka loo yaqaan Isgoyska Umbulutooriyadda Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Kooxo hubaysan ayaa weeraray Koontaroolka Ciidanka ay joogaan, halkaasi oo uu ka socdo dagaal rasaas kala duwan la isku adeegsanaayo.

Intuu dagaalka socday ayaa la maqlay qaraxyo xoogan.

Askari ka tirsan ciidamada Militariga ayaa dhintay oo markiiba ay toogteen ragga hubaysan, walina waxaa socda dagaalka u dhaxeeya ragga hubaysan iyo ciidanka.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadda iyo dagaalka.

Wixii kusoo kordha kala soco Gundhig.com