Home Warar Qarax Loo Adeegsaday Mooto Bajaaj oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Qarax Loo Adeegsaday Mooto Bajaaj oo Ka Dhacay Gaalkacyo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaare kala duwan oo ka dhacay Koonfurta magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug.

Qaraxa oo saarnaa Mooto bajaaj,islamarkaana ay la socdeen 3-dhalinyaro ah ayaa ka dhacay dhabarka dembe ee Hotel Ambas oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 3-dii ruux ee saarnaa mooto bajaajka qaraxa lagu soo raray,waxaana burbur xoogan soo gaaray mootadii ay la socdeen.

Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in rag ka Tirsan Shabaab oo qarax kusoo raray Mooto bajaaj ay iyagii kula qaraxday Magaaladda Gaalkacyo.

“3 naftood-halige, oo qaraxsiday ayaa qorsheeynayay inay is qarxiyaan, ayeey ka hortageen Ciidanka Boliiska Magaalada Gaalkacyo, Xaafada Wadajir agagaarka Hotel AMBAS dhanka Galmudug. Argagaixisada oo dhamaan goobta lagu dilay,” ayuu ku yiri qoraalkaan uu soo saaray Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Dhanka kale Maamulka Magaaladda gaalkacyo ee gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka galmudug, ayaa ka hadlay qaraxa ka dhacay magaaladda gaalkacyo

Gudoomiyaha Gobolka Mudug C/raxmaan Cali Diire,iyo Gudoomiye ku-xigeenka gobolka mudug, Axmed Shire Qoodaar oo labadda ka hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in ragga moota la qaraxday ay ahaayeen Shabaab,islamarkaana ay doonayeen in ay waxyeelo u geystaan shacabka Magaaladda.

Sidoo kale waxa ay sheegeen ragga qaraxa fuliyay ay doonayeen in ay ku dhul maaleystaan gudaha Magaaladda Gaalkacyo, ee gobolka Mudug balse qorshahooda uu fashilmay.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Booliska Soomaaliyeed Qaasim oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in laamaha amaanka Gobolka Mudug ay ku raadjoogaan ragii soo maleegay qaraxa,ayna socdaan baaritaano la xariira qaraxa.

Ilaa haatan ma jirto  cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah.