Home Warar Qarax Lagu Dilay Sarkaal Boolis oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax Lagu Dilay Sarkaal Boolis oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax Gaari Lagu Xiray ayaa goordhaweyd oo saakay ah ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Jugta Qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday agagaarka Barxada Iskaashatooyinka Degmadda Xamar weyne ee Gobolka banaadir.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ahaa Nooca Dhajista,waxaana gaarigiisa loogu xiray Sarkaal Ka Tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya iyo ilaaladiisa.

Sargaalka gaariga watay ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday, sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay qaar kamid ah Ilaaladiisa,waxaana Magaca Sarkaalka lagu Sheegay Jaabir.