Home Warar Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Bam oo duhurnimadiii maanta ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku dhow Maxkamadda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qaraxa ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa miinada nooca dhulka la geliyo,iyada oo goobta uu qaraxa ka dhacay Jaad ( qaad) lagu iibiyo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay 3-ruux oo shacab ah, ma jirto qof ku dhintay qaraxa ka dhacay magaaladda Dhuusa-mareeb.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay.;

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ay geysay dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlusunna oo dowladda Soomaaliya ku khilaafsan doorashadii ka dhacday Magaaladaas.