Home Warar Qarax Ka Dhacay Qansaxdheere 

Qarax Ka Dhacay Qansaxdheere 

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in qarax miino oo dhulka lagu aasay uu ka dhacay Gudaha Degmadaas.

Qaraxaan ayaa waxaa lagu aasay goob ay ku sugnaayeen Ciidamadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Degmadda Qansaxdheere  ee Gobolka Baay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta degmada,iyado saacaddo kadib dib loosoo celiyay.

Dhanka kale warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay In qaraxa khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya.