Home Warar Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan oo loo adeegsaday Gaari nooca Soomaalida u taqaano Noha ayaa lagu weeraray Xarunta Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka banaadir.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari kuwa raaxadda ah,islamarkaana lala galay xarunta Degmadda Warta-nabadda oo si weyn loo ilaaliyo oo raashiin loogu qeybinayay maalmahaan dad masaakiin ah.

Sidoo kale goobjoogaha ayaa sheegay in tiro dad ah ay ku dhinteen qaraxa,madaama dad fara badan ay goobta ku sugnaayeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 4-ruux oo shacab ahaa,waxaa sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah iyo shaqaale ka Tirsan Maamulka Degmadda Warta-nabadda.

Sidoo kale waxaa  burbur xoogan uu soo gaaray dhimasha xarunta Degmadda  Maamulka Warta-nabadda iyo gaadiid yaalay xarunta.

Ciidamadda amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda gurmad loo fidinaayo dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Xarunta Degmada Warta-Nabada ayaa ku taalla dhabarka dambe ee Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana ay dhowr tallaabo u jirtaa Madaxtooyada.