Home Warar Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho, iyo Dowladda oo Ka Hadashay

Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho, iyo Dowladda oo Ka Hadashay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo caawa ka dhacay Maqaayada lagu magacaabo Jalaato Devino oo kutaala laamiga aada Garoonka Aadan Cadde.

Qaraxa oo uu fuliyay nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday goob ay maqaayada ka fadhiyeen dhalinyaro badan oo halkaas u tagay in ay nasiino iyo waqti kusoo qaataan .

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo dhalinyaro u badan ayaa qaraxa ku dhintay sida ay sheegeen Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyneysay qaraxii caawa ka dhacay maqaayad ku dhaw isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.