Home Warar Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gaari dagaal oo ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa qarax miino oo dhulka lagu aasay waxaa lagula eegtay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay  Haanta Dheer Degmada Deyniile ee magaaladda muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa ayaa dhacay xili ay wadada marayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya waxaana la xaqiijiyay in khasaaro uu jiro.

Inta la xaqiijiyay saddex askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, lama soo sheegin wax dhimasho ah oo qaraxa ka dhashay.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay muqdisho, waxa ayna sheegeen in lagu laayay askar ka tirsaneyd Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed.