Home Warar Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax gaari lagu xirey ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Xaafadda Taleex Degmada Hodan ee magaaladda Muqdisho.

Gaariga qaraxa lagu xirey ayaa waxaa saarnaa laba ruux, oo midi uu gaariga kaxeynayay, halka midka kalena uu fadhiyay kursiga kale ee shirka.

Labada ruux ee gaariga saarnaa ayaa dhaawac uu soo gaaray,sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaliya oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay qaraxa nuuciisa inuu ahaa mida loo yaqaano dhejiska, oo baabuurta lagu dhajiyo.

Dhanka kale Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.