Home Warar Qarax Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo iyo Saraakiil Lagu Dilay

Qarax Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo iyo Saraakiil Lagu Dilay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka  Mudug dhanka  Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Magaaladaas.

Qaraxaan oo la sheegay in uu fuliyay nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Garoonka C/laahi Ciise ee Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo.

Qofka is qarxiyay ayaa beegsaday saraakiil ciidan iyo ilaalada Ra’iisul Wasaaraha oo hordhac ahaa, kuwaasoo ka qeyb qaadanayay sugida amniga wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Saraakiisha ku dhintay qaraxa ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Danab, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Mudug.

Sida naloo xaqiijiyay qaraxa ayaa dhacay xili uu Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble u ku sugnaa Garoonka oo soo dhaweyn loogu sameeyay.