Home Warar Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

SHARE

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa mid gaari ayaa ka dhacay Isgooyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan ka soo hor jeedka hotel Furaad,gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu ku baakinaa wadada dhinaceeda,iyada oo la sheegay in uu ahaa qarax lagu xiray gaarigga.

Dad goobjoogyaal ah ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaaro ah oo dadka ka soo gaaray qaraxaas,hase’ahatee markii uu dhacay in ay dadku ka kala carareen goobahooda ganacsi goobtana ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaana ciidanka Booliiska Soomaaliya.