Home Warar Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb+Sawirro

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qarax Qof isa soo miidaamiyay uu fuliyay ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Sida naloo xaqiijiyay, qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw kasoo horjeedka xarunta Inji oo Kamid ah Goobaha Maamulku Galmudug uu ku Shaqeeyo,sidoo kalana waxaa mudooyinkii dambe lagu diiwaangalinayay Ciidamadii Ahlusuna ee Dowladda kusoo biiray.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in qaraxa jugtiisa uu cuslaa islamarkaana uusan geysanin khasaare badan.

Agasimaha Warfafinta madaxa xukumada galmudug Ibrahim Hashi Osoble Jeekey ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay ninkii isa soo miidaamiyay,halka dhaawac fudud uu soo gaaray gabar ku sugneyd maqaayadd ku taala Xarunta Enji.

Dhanka kale Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb oo maalmahaan mashquul laga dareemayo.