Home Warar AMISOM oo Qarax Lagula Eegtay Degmada Buula-burde

AMISOM oo Qarax Lagula Eegtay Degmada Buula-burde

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa jabuuti ayaa qarax miino waxaa maanta lagula eegtay degmada Buulburde ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa ka dhacay banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha magaaladaas.

Guddoomiyaha degmada Buulaburde Cabdi Daahir ayaa sheegay in qaraxa la saaray geed dushiisa, islamarkaana la qarxiyay xili ay ciidamadda Jabuuti ay hoos fadhiyen geedka.

Waxa uu sheegay in qaraxa uu ku dhintay 1-askari mid kalana uu ku dhaawacmay.

Dhanka kale Isgaarsiinta magaalada Buulaburde ayaa mudo saacado ah hawada ka maqneyd, inkastoo markii dambe ay dib u soo laabatay.

Ciidamadan Qaraxa lala beegsaday ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Ciidamo cusub, iyaga oo bedelay Ciidamo laba sano halkaasi ka howlgalayay.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Buulburde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.