Home Warar Qarax ay Fulisay Haweeney oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qarax ay Fulisay Haweeney oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday isgoyska Black Sea,gaar ahaan meesha ay saaran Tahay Diyaaradda Daallo Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa ay halkaas isku qarxisay.

Waxa uu sheegay goobjoogaha in khasaare uu ka dhashay qaraxa oo soo gaaray dad shacab ahaa oo halkaas ku sugnaa,madaama ay meesha tahay meel ay si aad u isticmaalaan gaadiidka dadweynaha sidoo kale waxaa ku yaalo goobo Ganacsi.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay  qaraxaan ka dhacay magaaladda muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goobta uu qaraxa ka dhacay meel u dhow ay dagan yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa Nabadd Sugidda Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo howlgalo ka fuliyay suuqa bakaaro iyo hareerihiisa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa haatan gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya,waxaana socda baaritaano.

Dhanka kale gaadiidka gurmadka Deg deg ah ayaa goobta gaaray,waxana goobta laga qaaday dhaawacyadda dad shacab ah.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda muqdisho.