Home Warar Qaramadda Midoobay oo Cambaareysay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Qaramadda Midoobay oo Cambaareysay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xafiiska Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somalia ee UNSOM ayaa si xoogan u cambaareyay weerarkii dhimashada dhaliyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo lagu qaaday hotel-ka Saxafi oo ku yaalo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa loo adeegsaday 3 gaari oo walxaha qarxaha lagu soo xiray waxa ayna wax yeelo kasoo gaartay tiro dad ah oo dhimasho iyo dhaawacyo ay soo gaareen.

“Waxaan dadka iyo dowladda Federal-ka kula biireynaa cambaareynta falkan argagixisanimo, falalka argagixisanimo ee sida gardarrada ah ku dhaca ma wiiqayaan go’aanada dadka somaliyeed ay ku doonayaan dhismaha dowladdooda, soo kabashada dhaqaalaha iyo in mudnaanta ay siiyaan amniga dalka. QM iyo iyo beesha caalamku waxa ay garab taagan yihiin dadka somaliyeed.” Sidaas waxaa yiri ku xigeenka xoghayaha guud ee arrimaha Somalia u qaabilsan QM  Raisedon Zenenga.

Weerarkan loo adeegsaday qaraxyada isla markaana lagu weeraray hotel-ka Saxafi galabnimadii shalay waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-Shabaab.

UNSOM ayaa sheegtay inay tacsi u direyso qoysaska ay kasoo jeedan dhibanayaasha weerarkii shalay waxa ayna soo kabasho deg deg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.