Home Warar Qalbi Dhagax oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaaladda Dhuusa-mareeb+Sawirro

Qalbi Dhagax oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaaladda Dhuusa-mareeb+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Dhuusa mareeb waxaa saakay gaaray Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ah Saraakiisha Ururka ONLF, Waxaana uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo.

Qaar kamid ah Wasiirrada Galmudug, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa ku soo dhaweeyay Maagaalada Dhuusamarreeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

C/kariin Qalbi Dhagax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo gaaro dhuusa mareeb isagoona ugu mahad celiyay shacabka reer dhuusa mareeb sida soomaalinimada leh ee ay u soo dhaweeyeen.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in C/kariin Qalbi Dhagax uu kulamo la qaato madaxda maamulka Galmudug.

Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qalbi Dhagax laga hor istaagay in uu tago Magaaladda Cadaado,islamarkaana lagu wargaliyay in uu kasoo dago Magaaladda Dhuusa-mareeb.