Home Warar Puntland oo Xukun Ku Riday Ragii Kufsiga iyo Dilka U Geystay Caasho...

Puntland oo Xukun Ku Riday Ragii Kufsiga iyo Dilka U Geystay Caasho Ilyaas

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamadda Maamulka Puntland ee magaaladda Garoowe ayaa Xukun Toogasho ah ku riday 3-Nin oo lagu helay kiiska dilkii iyo kufsigii Magaaladda Gaalkacyo loogu geystay Caasho Ilyaas aadan.

Magacyada xubnaha dilka toogashada ah lagu xukumay ee Falkii Caasho ilyaas ayaa kala ah.

  1. Cabdifataax Cabdirahman Warsame 24 sano jir
  2. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 32 sano jir
  3. Cabdishakuur Maxamed Dige 46 sano jir

Labo kamid ah ragga la xukumay waa walaalo wada dhashay.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ee ku aadan Kiiska Marxuumadd Caasho Ilyaas Aadan oo ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo.

Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahay Racfaan mudo bil ah,waxayna Maxkamadda fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay Ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn.