Home Warar Puntland oo Xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka DFS

Puntland oo Xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka DFS

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Puntland ayaa xiray xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ku lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu wargeliyay Maamulka Gobolka Nugaal, in Wasaaraddu ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garowe, laga bilaabo maanta oo ku beegan 6 February 2020.