Home Warar Puntland oo Toogatay Labo kamid ah xukmanayaashii kiiskii caaisha ilyaas

Puntland oo Toogatay Labo kamid ah xukmanayaashii kiiskii caaisha ilyaas

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Puntland ayaa saakay oo Talaado ah xukun dil ah ku Fuliyay Labo kamid ah ragii kufsiga u geystay Caaisho Ilyaas oo sanadkii 2019-ka lagu kufsaday Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Xukunka toogashadda ayaa ka dhacay fagaare ku yaalla magaaladda Boosaaso, ee Gobolka Bari,waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka socda maamulka Puntland.

Labadda Ruux ee la toogtay ayaa kala ah Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.

Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.

24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray.