Home Warar Puntland oo Sheegtay in La Dilay Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish

Puntland oo Sheegtay in La Dilay Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya lagu dilay duqeyn maanta ka dhacday nawaaxiga tuulada Xariiro ee gobolka Bari.

Wasiirka ayaa VOA-da u sheegay in hoggaamiyaha la dilay uu la dhintay qof kale oo aan weli la aqoonsan kadib markii la duqeeyay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen.

Hoggaamiyaha la dilay magaciisa ayaa wasiirku ku sheegay, Cabdixakiin Dhoqobeed, balse faahfaahin kale kama bixin.

“Duhurnimadii maanta ayaa duqeyn lala eegtay gaari uu watay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob iyo ku xigeenkiisa lagu diley.”ayuu yiri Cabdisamad Gallan Wasiirka Amniga Puntland .

Wasiirka Amniga maamulka puntland ayaan sidoo kale ka hadlin, dalka laga leeyahay diyaaradah duqeynta geystay, inkastoo dowladda Maraykanku hore duqeyma uga fulisay degaannadaasi.